![]()
Declaration of the Somalia Labour Party Establishment
|
DASTUURKA XISBIGA SHAQAALAHA SOOMALIYEED: . . . . BOGGII 2aad
3) In la xushmeeyo, lana dhowro Shuruucda lagu dhisey Qaramada Midowdey guud ahaan, gaar ahaan kuwa xuduudaha, xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta hawlaha banii'aadanka.
4) In xiriiryada diblomasiga aan la leenahay dawlada Caalamaka lagu soo koobo 25 Saraafaradood oo lagu saleynaayo muhiimadda ay u lahaan karaan danaha Somaliya, iyo in Safaaradahaas ay ka hawlgalaan diblomaasiyiin leh tayada iyo xirfadda hawshaas, si simanna uga hawl-galaan beelaha somaliyed oo dhan iyadoo la sameynaayo Xeer-nidaaminaayo hawlaha diblomaasiyadda qaranka.
5) In la sameeyo sharci lagu maamulaayo horumarinta is-kaashiga maal-gashiga ay Somalia la yeelan doonto shirkadaha iyo ganacsatada somaliyed iyo kuwa Caalamka, laguna saleeyo shuruucda dalka iyo kuwa Caalamiga, lagana ilaaliyo musuq maasuuq, ku daneysi gaar ahaaneed, lana dhowro danaha dalka iyo dadka somaliyed.
6) In la sameeyo siyaasad lagu maareynaayo sida ugu haboon oo Kaalmoyinka Caalamka siiyo Somalia loogu faa'ideyn lahaa dalka iyo dadkaba, iyadoo la sameynaayo Sharci lagu maamulaayo deeqahaas looguna jideynaayo baahida dhabta ah ee loo qabo deeqahaas iyado si adag looga ilaalinaayo musuq maasuq iyo ku takrifal lagu sameeyo deeqdaas, lana xaqiijiyo in lagu fuliyey mashaariic dan u ah dalka, dadka, deegaanka, iyo duur-joogtaba.
7) In dib u eegis iyo dib u sharciyeen lagu sameeyo Ururada Caalamiga ah oo Somalia Xubin ka tahay, si dib u qiimeyn waafaqsan danaha guud ee Somalia qaran ahaan iyo shacab ahaan, si loo dhiso qaran somaliyed oo xor ah dibna loo helo sharaftii iyo karaamadii dalka iyo dadka somaliyed ay xaqa u leeyihiin.
<= = = Ku noqo bogii koowaad
|
Link - yada kale ee Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka Dunida | |
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka iyo Dhacdooyinka
|
Maxaa Cusub!!
|
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
|
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed -
|