![]()
Declaration of the Somalia Labour Party Establishment
|
DASTUURKA XISBIGA SHAQAALAHA SOOMALIYEED::
1) In Shacabka Somaliyed lagu mideeyo falsafada Xisbiga oo ku saleysan shaqo abuurid, lana siiyo tababar ay ku kasbadaan mehrad iyo farsamo shaqo oo ay ugu midobaan horumarinta mehradooda shaqo iyo xoojinta awodooda urureed dhanka wax soo saarka, hal abuuridda cusub oo loo adeegsan karo kobcinta awoodda ururada shaqaalaha iyo tan Xisbigooda.
2) In Shacabka Somaliyed loo sameeyo dib u Heshisiin dhab ah oo loo maraayo u kala gar-qaadid ay u wada siman yihiin beelaha la heshisiinaayo, laguna hirgelinaayo qaab waafaqsan shuruucda iyo xeerarka suuban ee dalka iyadoo beelaha la heshiisinayoo ay u garqaadi doonaan beelaha kale oo dhex dhexaad ka ah arrimaha leysku haysto si gogosha garqaadidda ay ugu sinnadaan.
3) In dib loo dhiso ciidamada amniga ee Dawladda Dhexe ee Federaalka oo ay si siman uga qeyb noqonayaan Beelaha Somaliyed oo dhan. Ciidamadaas waxaa laga reebaayaa kuwii ka mid ahaan jirey maleshiyo beeleedkii qeybta ka ahaa dagaalka sokeeye laguna haysto fal dembiyeed ay u geysteen shacabka. Ciidamada amniga waxaa loo sameynayaa Xeer hoosaad oo lagu maareyn doono Wajibaadkooda iyo Xuquuqdoodaba.
4) In la dhiso Garsoor madax banaan oo leh tayada iyo cilmiga garsoorka, si simanna looga qeyb geliyo beelaha oo dhan si cadaaladda dalka ay u noqoto mid ay u wada siman yihiin Somalida oo dhan, kuna yeeshaan kalsooni buuxda garsoorkooda.
5) In la abaabulo lana fuliyo qorshe lagu horumarinaayo dhaqaalaha dalka, lana dhiiri geliyo wax soo saarka dalka, la kordhiyo dhofinta iyadoo la yareeyo dibad wax ka soo iibsiga.
6) In waxbarashada laga dhigo qasab iyo lacag la'aan ilaa fasalka 12aad, 4ta dambena noqoto dugsiyada farsamada, In la sameeyo adeeg caafimaadka guud oo lacag la'aan ah, biyaha iyo dabkana loo aqoonsado Xuquuq ay leeyihiin shacabka somaliyed lana qarameeyo si loogu hormariyo dalka oo dhan.
7) In la dhiso guddi madax banaan oo xog-raadin iyo dabagal ku sameeyo Hantidii Qaranka iyo tan shacabka oo lagula wareegey qaabkii sharci darrada ahaa ee loogu qaatey qoriga caaraddisa, si sharciga waafaqsanna loogu so celiyo Qaranka iyo milkiileyaashii laga dhacey.
SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADDA:
1) In la horumariyo, lagana shaqeeyo siyaasad ku saleysan nabad gelyo ku wada noolaansho lala yeesho Dawladaha Jaarka nala ah, kuwa Qaaradda Afrika iyo kuwa Caalamkaba iyadoo la dhowraayo madax banaanida iyo Qaranimada Somalia.
2) In la xurmeeyo, lana fuliyo heshiisyadii Caalamiga ahaa ee ay galeen dawladahii ka horeeyey 1991kii, dib u eegis iyo dib u ansaxin sharciga waafaqsanna lagu sameeyo heshiisyada ay galeen dawladahii ka dambeeyey 1991dii. |
Link - yada kale ee Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka Dunida | |
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka iyo Dhacdooyinka
|
Maxaa Cusub!!
|
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
|
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed -
|