![]()
Declaration of the Somalia Labour Party Establishment
|
HOOYGA BOGGA KOOWAAD ::
Xisbiga waxaa lagu dhisey mabadi’idan: - 1) Siyaasadda: Istratejiyada siyaasadeed ee Xisbiga waxey ku saleysan tahay hirgelinta himiloyinka iyo falsafada xisbiga oo ugu horeyso mideynta shacabka soomaaliyeed iyo dib u soo nooleynta Qaranimadii bur burtey iyadoo loo maraayo dib u heshiin dhab ah in ladhex dhigo shacabka soomaaliyeed, lagana doodo dhibaatada dhex martey si waafaqsan sharciga, iyo xeerarka soo jireenka u ahaa Soomaaliya, ka dibna shacabka soomaaliyeed loo abuuro fursado mehradeed iyo shaqo oo ay kaga gudbaan ku tiirsanaanta qabiilka, kuna midoobaan mehrado hawleed iyo wax soo saar. 2) Arrimaha Bulshada: Xisbiga Shaqaalaha waxaa u furan iney ka mid noqdaan muwadiniinta Soomaaliya oo dhan oo buuxiya shuruudaha ku qoran Xeer Hoosaadka Xisbiga, waxaana xisbiga dhiiri gelinayaa is- ixtiraam, is-qaddarin, iyo is-jaceyl ku timaaddo dib u heshiisiin dhab ah oo abuuri doonto jawi iyo xaalad is-aaminaad ku so noqota shacabka soomaaliyeed dhexdiisa oo ku kala soo fogaadey dagaalkii sokeeyey iyo bur burkii uu geestey dartiis. Waxa Xisbiga dib u dhis ku sameyn doonaa horumarinta hidaha iyo dhaqanka, suugaanta suuban, sportiga, iyo mashruuc kasta oo lagu horumarin karo bulshada soomaaliyeed. . 3) Dhaqaalaha: Xisbiga wuxuu dejin doonaa siyaasad dhaqaale oo mira dhal u noqoneyso shacabka soomaaliyeed kuna saabsan sidii loogu faa’ideysan lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee Ilaaheey SWT ku mannestey Soomaaliya kana kooban beeraha, xoolaha, kalluunka, iyo kheyraadka ku jira dhulkeyna sida macdanta noocyadeedu kala gedisan, Batroolka, Gaaska iyo wixii soo raaca. Siyaasadda dhaqaalaha Xisbiga waxaa mar kasta la waafajinayaa falsafada xisbiga, laguna horumarin doona nidaam mehradeedka iyo iskaashiga ka dhalan kara qeybaha wax soo saarka, kan suuq geynta, kan kastamarka ama iibsadeyaasha, iyo kuwa ka shaqeeya taakuleynta ama adeegyada (service) Waxaa kale oo la horumarinayaa soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibaddaba iyadoo laga shaqeyn doono shuruuc maalgashi oo ay aamini karaan maalgashatada, loona damaanad qaadaayo nabadgelyo buuxda iyaga iyo hanitdood
|
Link - yada kale ee Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka Dunida | |
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka iyo Dhacdooyinka
|
Maxaa Cusub!!
|
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
|
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed -
|