Home Page ::


Declaration of the Somalia Labour Party Establishment

UJEEDDOOYINKA XISBIGA ::


1) Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaa loo dhisey in dalka, dadka, deegaanka iyo duur joogta Somalia looga samata bixiyo bur burka, halaagga iyo barakaca ka soo gaarey dagalladii sokeeye ee dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale Ujeeddada loo aasaasay Xisbiga.

2) Waa in uu Dalka gaarsiiyo Nidaam loo wada dhanyahay oo ku saleeysan Dimoqraaddiyadda.

3) Inuu ka mid noqdo Axsaabta Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Dalka iyo Xeerarka Guddiyada u Xilsaaran maareynta Hawlahaas.

4) In Xisbiga uu gaarsiiyo waddanka Nidaam Dimuqraadiyad ku dhisan iyo Xornimo.

5) Inuu Soomaaliya ku so celiyo nidaamkii dawladeed ee ka bur burey kaasoo lagu saleynaayo falsafadda Xisbiga Shaqaalaha oo gundhig u ah ku midoobid Isbaheysi wax soo saar iyo shaqo oo lagu beddelo qaabka Beeleed oo hadda wax lagu wado.

6) In si waafaqsan Dastuurka Dalka looga qeyb geliyo Siyaasadda Dalka iyo Maamulkaba Haweenka, Dhallinyarada, Naafada iyo Waayeelkaba.

7) Inuu dib u soo nooleeyo Qaranimadii Somaliya, Karaamadii iyo Sharaftii ay ku lahayd Caalamka iyadoo loo maraayo Dastuurka iyo Sharciyada Dalka, si waaqici ahna loo fuliyo.

8) In la tixgeliyo Sharciyada Caalamka sida ku cad Axdiga Qaramada Midoowey (UnitedNations Charter), lana sugo Xiriir iskaashi oo dhexmara Soomaaliya iyo Wadamada Jaarka la ah, kuwa Qaaradda Afrika, Carabta, Asia, Australia, Yurub, iyo Ameerika

Link - yada kale ee Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka Dunida

Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka iyo Dhacdooyinka

Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Wararka Dunida

Facebook Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed

Maxaa Cusub!!

Ku Lug lahow Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed

War-Saxaafadeed ka Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed

Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed

Aan u Wada Shaqeeyno Wadankeena Somaliya

Ugu Deeq Xisbiga

Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed -
(Fikradaha Dadweynaha)

Waxaad Na Weydiisan Kartaa!!

Weeynu Soo Dhaweynaynaa Fikradaha Qiimaha Leh